In ka badan 300 oo Arday oo maanta ka qalin Jabisay Jaamacadda Jamhuuriya (Sawirro)

Waxaa maanta hoolka Sahal ee magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad ku qalin jabinayeen arday dhameesatay waxbarashada heerka koowaad ee jaamacadda kuwaasi oo dhameesteen kuliyadaha kale duwan ee jaamacadda waana 330-arday oo muddo jaamacada dhiganayeen ayay maanta soo gaba gabeeyeen.

Kuliyadaha ay ka qalin jabiyeen ayaa waxaa ay kale ahaayeen;

FACULTY OF COMPUTER & IT,FACULTY OF ENGINEERING,FACULTY OF ,CONOMICS & MANAGEMENT,FACULTY OF MEDICINE & HEALTH SCIENCE.

Dufcadana oo ah dufcadii 5aad ee jaamacadda ka aflaxda ayaa waxaa kasoo qayb galay madax ka tirsan wasaarada waxbarashada iyo hogaanka sare ee jaamacadda kuwaasi oo ardayda dardaaran wanaagsan siiyeen in ay horay usii wadaan waxbarahadooda.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamud Jaabiri oo ka hadlay xaflada qalin jabinta ayaa ugu baaqay ardayda maanta qalin jabisay in aysan shahaadadooda guryahooda la fariisan oo ay ka mari dhaliyaan aqoontii iyo qarashkii ay mudadda bixinayeen si mustaqbalka u anfacaan dalkooda iyo dadkooda.

“Aniga ahaan waxaan idin kula dar daarmayaa ka waalid ahaan in aadan guryihiina fariisanina oo aad ku shaqeesaan,waayo dalkan shaqo ayaa ka banaan ,cid walboo wax barataa waxaa ay anfacaysaa dalkan,waalid ayaa waqti iyo qarash idinku bixiyay waa inaad u abaal gudaan waayo waa la idin fiirsanayaa dalkiina ayaana kow ka ah”. Xildhibaan Jaabiri

Amina Mahad Suleiman oo ku hadlaysay magaca ardayda ka qalin jabineysay maanta jaamacadda Jamhuuriya ayaa aad u amaantay macalimiintii waqtiga galiyay waxayna sheegtay in ay ku dadaali doonaan in ay sii wataan waxbarashadooda oo aysan meesha ugu harin.

Ugu dambayn Gudoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya Eng :Mohamed Ahmed Mohamud ayaa soo gaba gabeeyay xaflada waxaana uu aad u amaanay ducafan maanta qalin jabisay waxaana uu kula dar daarmay kuwa kale ee soo socdaa in ay ku daydan kuwa maanta qalin jabiyay waxaana uu balan qaad u sameeyay ardayda.

“Aniga oo ah maamulaha guud ee jaamacada waxaa idiin balan qaadayaa in uusan jiri doonin arday ka wal walaa shaqo marka uu jaamacada dhameesto waxaan ku dadaali doonaa in aan shaqo idiin abuurno haduu alle idmo,waxaana kula dar daarmayaa ardayda maanta qalin jabisay in ay ku daydaan ducfan oo kamid ahayd kuwii ugu wanaagsanaa ee jaamacada ka aflaxday”ayuu yiri Jamhuuriya Eng Mohamed Ahmed Mohamud oo ah Gudoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya.

- Advertisement -