Ruushka & Taliban oo qarka u saaran iney galaan heshiis ka careysiinaya Mareykanka

Maamulka Taliban ayaa ku guda jira wadahadaladii ugu dambeeyay ee magaalada Moscow ee ku saabsanaa qodobbada qandaraaska ay Afganistan ​​ku iibsanayaan shidaalka Ruushka, sida ay saraakiisha Afghanistan u sheegeen wakaalada wararka ee Reuters.

Habiburahman Xabiib Afhayeenka Wasaaradda Dhaqaalaha ee Afgaanistaan, ayaa xaqiijiyay in wafdi rasmi ah oo uu hoggaaminayo wasiirka ganacsiga ay ku sugnaayeen caasimadda Ruushka, isla markaana ay soo gabagabeynayaan qandaraasyada saadka, Gaaska iyo Saliidda.

Waxa ay wadahadalo kula jiraan dhanka Ruushka,” ayuu ku yiri fariinta uu u diray Reuters, isagoo intaa ku daray inay la wadaagi doonaan faahfaahinta marka qandaraasyada la dhammeeyo.

Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan xafiiska wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in saraakiil ka tirsan wasaaradiisa iyo wasaaradda maaliyadda ay u tageen magaalada Moscow si ay uga shaqeeyaan qandaraasyadaas kadib markii wafdi heer wasiir ah ay bishan booqasho ku tageen.

“Waxaan ka shaqeyneynaa qoraalka qandaraaska, (waxaan ku dhowaanay) inaan ku heshiinno shidaal ” ayuu yiri sarkaalka, isagoo raaciyay inay rajeynayaan in dhawaan la dhameeyo.

Qandaraasyadan ayaa yimid ka dib markii wafdi ka socda Taliban oo uu hoggaaminayo ku-simaha wasiirka ganacsiga ay booqdeen Ruushka bartamihii bishii Ogosto si ay wadahadalo ganacsi uga yeeshaan.

Haddii la dhammeeyo qandaraaska, waxa uu calaamad u noqon doonaa in dalalka shisheeye ay sii kordhayaan ganacsiga ay la leeyihiin Taliban, inkastoo maamulkooda uusan si rasmi ah u aqoonsan dowlad caalami ah tan iyo markii ay la wareegeen talada dalka ka dib markii ciidamada Mareykanka ay ka baxeen sanad ka hor.

Waxa ay ku soo beegantay xilli Maraykanku uu isku dayayo in uu ku qanciyo waddamada kale in ay joojiyaan isticmaalka saliidda Ruushka, isagoo sheegay in hindisahani uu yahay mid lagu doonayo in lagu xakameeyo dakhliga saliidda ee Moscow ay u isticmaasho inay ku maalgeliso duullaankeeda Ukraine.

Ruushka iyo Afgaanistaan ​​oo uu hogaamiyo Taalibaan ayaa labaduba wajahaya cunaqabateyn dhaqaale oo kaga imaanaya dowladaha caalamka oo uu ku jiro Mareykanka.

 

- Advertisement -