Taliyaashii Ciidamada Sacuudiga oo xil ka qaadis iyo isku Shaandheyn lagu sameeyay

Boqorka Sacuudiga ayaa wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa isku shaandheyn iyo xil ka qaadis waxaa loogu sameeyay qaar kamid ah taliyaasha sare ee Ciidamada Boqortooyada Sacuudiga.

Boqor Salmaan ayaa xilka ka qaaday Taliyihii Guud ee ciidamada Sacuudiga Jeneraal Abdul Rahman bin Saleh al-Bunyan , waxaana sargaalkan loo magacaabay in uu noqdo la taliyaha dhinaca Milatariga ee Boqor Salmaan.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Boqorka Sacuudiga ayaa taliyaha guud ee Ciidamada Sacuudiga waxaa loogu magacaabay Jeneraal Fayyad al-Ruwaili oo horey u ahaa Taliyaha Ciidamada Cirka.

Boqor Salmaan ayaa sidoo kale xil ka qaadis ku sameeyay Taliyaashii ciidamada Dhulka iyo Difaaca cirka, waxa uuna magacaabay taliyaal cusub oo lagu bedelay kuwa xilka laga qaaday.

Boqorka Sacuudiga ayaa sidoo kale isku shaandhen ku sameeyay qaar kamid ah golaha Wasiirada, waxa uu sidoo kale isbadal ku sameeyay Gudoomiyaasha gobolada iyo Degmooyinka Sacuudiga.

Isbadaladan cusub ee ka socda Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dambeeyay Wiilka Boqorka Maxamed Bil Salmaan oo ah Dhaxal Sugaha Boqortooyada sidoo kale ah Wasiirka Difaaca dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -