Tabeele Wadooyinka Muqdisho lagu dhajiyay oo la dhaliilay (Daawo Sawirro)

Dad badan oo kunool magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan u arkay tabeelayaal lagu xayeesiinayo sidii jaadka looga joojin lahaa magaalada Muqdisho, waxaana tabeelayaashan ku sawiran nin jaad ruugaya.

Dadka qaarkood ayaa si weyn u dhaliilay sawirka boorka xayeesiinta loo adeegsaday oo lagu tilmaamay mid u muuqda in lagu xayeesiinayo cunista jaadka marka laga reebo qoraalka la socda sawirka.

Marka hore aad baan u Taageeersanahay Ololaha Abuukar Cawaale Qaadiid  la Dagaalanka Qaadka Hase yeeshee Saakey mar aan marayey Agaagaarka KM4 waxaan ku arkey Tabeelo aad weyn oo uu ku sawiran yahay Ruux aan aqaano oo qaad Ruugaya oo uu Ujeedka uu yahay in Bulshada la Tusiyo Dhibaatada Qaadka.

Qalinkeyga  mar waliba waxaan ugu adeegaa bulshada Soomaaliyeed mana Jecleysan in aan soo Bandhigo Sawirkaan, hadana waan ka Fursan waayey in aan u soo bandhigo Bulshada Soomaaliyeed Hase  yeeshee Rayi ahaan aniga waxaan u qaatey Tabeelahaas Ninkaas ku sawiran yahay mid lagu Xayeysiinayo Qaadka  oo kama Muuqato qaabka  la dagaalanka Qaadka, marka laga reebo eryayada ku qoran Tabeelaha oo ah kuwo aad u Wanaagsan,  marka Abuukar waxay ahayd in uu isticmaalo Sawirada Arts-ka Farshaxanka oo uu ku Sawiro lacag Doolar oo dalka ka baxeyso  iyo Qashinkii Qaadka oo Dalka la soo gelinayo

Sidoo kale waxay ahayd in uu sawiro Sawir kale oo Arts ah Hooyo iyo caruurteeda oo aan Dabkii Shidan iyo Aabihii oo isaga marqaamaya Dhaqaalihii Reerka islamarkaana  Gabey Masuuliyadii Reerkiisa  oo ah Ruux aduun iyo aakhiro aan ogeyn, marka  sawirka Tabeelaha oo aan ogahay in aan si wanaagsan looga Baaraadegin waa xadgudub marka la Fiiriyo soo Bandhigistiisa waayo Qofkaan waa iska dhaafi karaa Qaadka oo Nolosha ayuu ku soo laaban karaa,  marka waxay ku Noqoneysaa  Mustaqbalka isaga iyo  Caruurtiisa uur ku taalo  iyo Mahadho sidaa darteed Abuukar Qaadiid  waxaan si Xushmad leh uga Codsanyaa in Dib ugu laabto Tabeelahaas .

 Sawirka waxaa qaadey Cabdirisaaq Salaad

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail:amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail:amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Tel 00252615532494

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -