Magaalada Muqdisho Goormey ka xuroobeysaa Go’doonka ay ku jirto? 

Muqdisho oo ah Caasimada Dalka Soomaaliya oo ay ku Noolyihiin in ku dhow 4 Milyan oo qof ayaa hadana ah Magaalada kaliya ee Soomaali lee dahay oo go’doonsan mid siyaasadeed iyo mid amni intaba.

Magaalada Muqdisho ayaa soo martay marxalado kala duwan oo waabaryaaba waji cusub leh mana jirto isbadala caasimada in ay wax cashar ah ka barteen dadka reer Muqdisho oo wali magaalada waa mid xiran jiha walbana waxaa ka taagan xaalad cakiran.

Dadka malyamaadka ah ee ku nool Muqdisho ayaa garan la’ halka ay ku wajahantahay magaalada Muqdisho oo ay ka jirto nolol iyo amni cakiran oo la isku haleyn Karin cid u maqana aysan jirin xukuumada iyo Shacab midkow doono ha noqdee.

Muwaadinkasta oo Somaaliyeed wuxuu si fiican ugu dharagsan yahay qalbigiisa iyo maankiisana ku hayaa in dowladda Soomaaliya halka ay ku tiirsan tahay dhaqaalo ahaan iyo siyaasad ahaan ay tahay Magaalada waysana xaqii ay laheyd una dayacan siyaasi daneyste ah.

Dadyowga reer Xamar ayaa ah kuwa kaliya ee  bixisa Canshuurta dastuuriga ee dalka, hadana waa bulshada kaliya ee aan heysan matalaad siyaasadeed iyo Maqaam ay si gaar ah u leedahay magaalada Muqdisho.

Dadka reer Muqdisho ayaa ah dadka kaliya ee dowladda dhaqaalaha ugu badan siiyo waayo waxaa kaliya ee Gobolada Soomaaliya Cashuur laga qaadaa waa ganacsatada Muqdisho iyo Shacabkeeda oo mar walba dhaqaalo la garab taagan Dowladdaha Soomara Soomaaliya.

Balse Shacabka Muqdisho ayaa subixii yimaadaba oohin iyo baroor kusoo toosa waxayna bixiyaan cashuur aysan dalka intiisa kale la qabin oo qasab iyo xaalado kale loogu qaaday. Waxaana ay shacabka la kulmaan dilal, qaraxyo iyo xiraanshaha wadooyinka aan wali wax xal ah loohelin xili uu Madaxweynaha hada dalka hogaamiyo uu doorashada ku galay in aysan jiri doonin wado xiran balse ay kasii dartay halkii Shalay iyo doraad.

Shacabka Muqdisho oo ah dadka taakuleeya dowladda ayaana helin Amni, Xasilooni iyo furaanshaha wadooyinka Xiran o sababay in ay dadka Reer Miuqdisho noqdaan kuwa go’doonsan iyo maciishadda oo aad u qaaliyowda iyo isu socodka Gaadiidka iyo dadweynaha oo go’ay.

Sikasta ha noqotee Muqdisho waa Caasimada dalka Soomaaliya waana Halka ay ku dhisan tahay awooda dowladda Soomaaliya balse waa magaalo aan helin mudankeeda iyo halkay u baahneed in la geeyo, waxaana ku dhex hardamo dad is ugaarsanaayo dhankasta oo nolosha ah mana jirto cid ka fikirtay hadankaas burburka kasoo gaarayo caasimada agoonta ah.

W/Q: Ahmed Abdi Agayare

Agayare99@gmail.com

F.G Qormadan kama turjumeyso aragtida Allbanaadir waxa ayna gaar u tahay qoraha ku saxiixan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -