Xildhibaan ku waayay Xil Wasiirnimo oo loo magacaabay dhaar uu gefay !!!

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka dalka Tanzaaniya ayaa xil Wasiirnimo oo loo magacaabay waayay kadib markii uu gefay dhaarta Wasiirada la marsiiyo marka xilka loo magacaabo.

Francis Ndulane oo katirsan Baarlamaanka Tanzaaniya ayaa loo magacaabay Wasiir kuxigeenka wasaarada Macdanta ayey ku adkaatay in uu dhaarto isagoona dhoor mar gefay markii la dhaarinayay.

Wasiirkan ayaa la arkayay isaga oo ku adkaatay in uu akhriyo dhaarta, waxaana markii dambe laga codsaday in uu dib ugu laabto kursigiisa.

Madaxweynaha dalka Tanzaaniya ayaa sheegay in uu ka laabtay xilka Wasiirnimo uu u magacaabay xildhibaankan katirsan Baarlamaanka, waxa uuna sheegay in uu soo magacaabi doono shaqsi kale uu tilxilkan Wasiirnimo uu ku fashilmay Xildhibaanka.

Shacabka dalka Tanzaaniya ayaa baraha bulshada ku hadal haya Wasiirkan xilkii loo magacaabay ku waayay in uu akhrin waayay dhaarta Dastuuriga ah ee laga doonayo in Wasiirada maraan

 

- Advertisement -