Dagaalo culus oo saaka ka qarxay degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe

Dagaal  u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa saaka waaberigii ka qarxay degaano hoos taga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Dagaalka xoogiisa ayaa waxaa uu ka socdaa degaanka Bur-dheere, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan inuu jiro khasaaro labada dhinac ay isku gaarsiiyeen dagaalkaas, inkastoo aan weli sirasmi ah loo helin tirada dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka.

labada Maleeshiyo ee dagaalamaya ayaa isku-heysta dhul daaqsimeed halkaasi ku yaalla, waxaana lagu soo waramayaa in Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya oo horay loo kala dhex dhigay ay isaga soo baxeen, sidaasina uu mar kale dagaalka ku qarxay.

Beelahan ayaa horay Magaalooyinka Jowhar iyo Cadale loogu qabtay shirar dib u heshiisiin ah oo aan waxba ka soo bixin, waxaana lagu soo waramayaa in xaalad kacsanaan ah ay maanta ka jirto deegaanka Burdheere.

Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaan weli ka hadlin dagaalada ka soo cusboonaaday duleedka degmada Cadale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -