Jidadka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho oo maalintii labaad xiran

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maalinkii labaad xiray qaar ka mid ah wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho.

Shacabka cagahooda malaya ayaa saaka lug ku maraya wadooyinka xiran, halka gaadiidka ay isticmaalayaan wadooyin qardo jeex ah oo dhexmara xaafadaha.

Wadooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah Isgosyada Ex-kontrol Afgooye, Banaadir, Soobe, iyo wadada ugu muhiimsan ee Maka Al-Mukarrama.

Sidoo kale waxaa xiran wadooyin kale sida wadada hor marta dekeda ee isku xirta madaxtooyada iyo dugsiga sare ee booliska oo ku yaalla degmada Xamar jajab.

Sababta ay u xireen ciidamada ayaa waxay tahay, xilli maanta lagu wado in Baarlamanka labada gole ay kulan ku yeeshaan Magaalada Muqdisho kaasoo uu ka khudbeyn doono Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu horkacayo oo maalintii labaad dalka ku sugan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -