Shaki la galiyay Heshiiska Qarsoon ee Madaxweynaha la gaaray Uhuru Kenyatta

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal kasoo baxay lagu sheegay in Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay gaareen heshiis miro dhal ah kadib kulan xasaasi ah ay saakay ku yeesheen magaalada Nairobi.

Heshiiska rasmiga ah ay gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaan la cadeyn marka laga reebo qoraalka Madaxtooyada oo lagu sheegay in ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood.

Siyaasiga Cabdiraxmaamn Cabdishakuur Warsame ayaa shaki galiyay qodobada rasmiga ah ee ku heshiiyeen labada Madaxweyne, waxa uuna codsaday Siyaasiga in aan la qarin waxa lagu heshiiyay oo shacabka runta loo sheego.

Waxa uu sheegay siyaasiga in heshiiska la sheegay in labada Madaxweyne gaareyn aan lagu soo hadal qaadin xuduntii khilaafka dhalisay oo aheyd muranka dhinaca xadka badda Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan suuqgeyntii shidaalka Soomaaliya.

”Waa xadgudub lagula kacayo caqliga iyo garaadka shacabka Soomaaliyeed in ay Villa Somalia tiraahdo Kenya iyo Soomaaliya way heshiiyee iyaga oo aan soo hadal qaadin xuduntii khilaafka dhalisay. Waajib Dastuuri iyo mid Wadani ah weeye in shacabka Soomaaliyeed runta loo sheego. Madaxweynuhu waa in uu runta ka sheego wadahaladii Addis iyo Nairobi lagula yeeshay. Saxaafada Soomaalida waa in aysan soo minguurin qoraalka Villa Somalia ee waa in ay baaritaan dheeraad ah samaysaa, su’aalo wax ku ool ahna la timaado.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hadalka siyaasigan ayaa kusoo aadaya xili kulan saakay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhigiisa Kenya lagu shaaciyay in ay heshiis ka gaareen khilaafkii diblumaasiyadeed ee labada dal ka dhaxeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -