Iran oo diiday Kaalmo Mareykanka doonayay in uu ugu yabooho iyo Sababta Keentay

Dowlada Iran ayaa diiday dalab uga yimid Mareykanka oo ku aadanaa in ay ugu deeqaan dhaqaale iyo daawooyin wax looga qabto caabuqa Caronavirus oo dad badan ku dilay Iran sidoo kale kusii faafaya dalkaasi.

Hogaamiyaha Ruuxiga ee dalka Iran Ayatollah Cali Khamenei oo ka hadlay telefishinka Qaranka Iran ayaa sheegay in ay iska diideen kaalmo dhaqaale iyo daawooyin Mareykanka u sheegay in uu doonayo in uu ugu deeqo .

Ayatollah Cali Khamenei ayaa sheegay in Mareykanku yahay cadawga ugu xun oo Iran leedahay, waxa uuna sheegay in suurto gal tahay in Mareykanku wado shirqoolo uu ku doonayo in cudurka Caronavirus kusii faafiyo.

“Ma ogin in ay jirto eedeeyntan, balse ma jirto qofka maskaxdiisa ay caadi tahay oo aaminaya in ay daawo noo keenaan?,axaa suuragal ah in daawadiina ay tahay qaab lagu fidinayo caabuqa coronavirus” ayuu yiri Hogaamiyaha Ruuxiga ee Iran.

Dalka Iran ayaa kamid ah wadamada uu sida xoogan u saameeyay caabuqa Caronavirus, waxaana cudurkaasi uu ku dhacay gudaha Iran dad ka badan 20-kun oo qof halka ay u dhinteen dad gaaraya  1,685.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -