Ciidamada Milatariga oo laga Mamnuucay in ay soo galaan Muqdisho Fasax la’aan

Wasaarada Amniga Gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in la dhaqan galin doono markan go’aano ay horey usoo saareen golaha Wasiirada Somalia oo caasimada looga mamnuucayay Ciidamada Milatariga iyo hubka waa weyn.

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abukar Islow ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Milatariga ee ku sugan labada Shabelle aysan Muqdisho soo gali karin iyaga oon fasax ka heysan taliyahooda.

Waxa uu sheegay Wasiirka in magaalada Muqdisho gudaheeda mamnuuc ka tahay hubka waa weyn sida qoryaha tiknikada iyo Dabajeexa, waxa uuna tilmaamay in la dhaqan galinayo go’aanadii ay horey usoo saareen golaha Wasiirada.

”Muqdisho masoo gali karaan ciidamada Milatatiga ee jooga labada Shabelle iyaga oon fasax ogolaansho ah ka heysan taliyahooda, waxaa sidoo kale magaalada ka mamnuuc ah in lagu dhax wato hubka waa weyn” Ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya xili habeenkii Jimcaha dabley hubeesan oo xirnaa dareeska ciidanka dowlada weeraro isigu jiray is qarxin iyo mid toos ah ka geesteen magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -