Qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Qarax ayaa la soo sheegayaa inuu goor dhow ka dhacay agagaarka isgoyska Ex-kontrol Afgooye ee magaalada Muqdisho kaasoo lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowlada.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo noociisu ahaa miinada dhulka lagu aaso ee meelaha durugsan laga hago uu ka dhacay halka loo yaqaano Haanta dheer oo ku taalla wadada warshadaha halka ay ka gasho Ex-kontrol Afgooye.

Gaari nooca Soomaalidu u taqaano Cabdi bilaha oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa qaraxaas lagu weeraray sida ay sheegayaan dad goob joogayaal oo halkaas ku dhow.

Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsanaa ciidamadii dowlada ee gaariga la socday ayaa qaraxaas ku dhaawacmay, iyadoo gaariga la qarxiyey uu burbur soo gaaray.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo kale oo ka tirsan dowlada federaalka ay gaareen goobta uu qaraxan ka dhacay kuwaasoo muddo kooban xiray wadada, halkaasna ka sameeyey howgalo ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyey inkastoo aysan ku guuleysan.

Al-shabaab oo ah koox dagaal kula jirta dowlada Somalia iyo ciidamada shisheeye ee dalka jooga ayaa had iyo jeer sheegata masuuliyada qaraxyada noocan ah ee lagu weeraro ciidamada dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -