Mucaaradka Dowlada Farmaajo oo looga digay in ay ku shiraan magaalada Nairobi

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa uga digay Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Dowlada Madaxweyne Farmaajo mucaaradka ku ah in ay ku shiraan magaalada Nairobi.

Waxa uu sheegay Aadan Barre in xiriir aad u wanaagsan ka dhaxeeyo Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, waxa uuna tilmaamay in aysan marnaba ogoleyn dowlada Soomaaliya in laga mucaarado gudaha Kenya.

”Xiriir aad u wanaagsan ayaa nagala dhaxeeya dowlada ay hogaamiyaan Farmaajo iyo Kheyre, Kenya raali ka ma ahan in gudaheeda shirar Siyaasadeed lagu qabto lagana mucaarado dowlada Somalia, ” Ayuu yiri Xildhibaan Aadan Barre Ducaale.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dowlada Kenya aysan u diidaneen Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee mucaaradka ku ah dowlada Farmaajo in ay yimaadaan Nairobi kuna nastaan, balse diidan yihiin in shirar ku qabsadaan.

Waxa uu ugu baaqay Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada dowlada Mucaaradka ku ah in ay raadsadaan magaalooyin kale ay ka mucaaradaan Dowlada Farmaajo sida magaalada sida Adis Ababa iyo Jabuuti .

Siyaasiyiin iyo Xildhibaano katirsan dowlada Soomaaliya mucaaradna ku ah dowlada Farmaajo ayaa saldhig waxa ay ka dhigteen dalalka Kenya iyo Imaaraatka si ayu uga mucaaradaan Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -