Allbanaadir.com
NEWS

Dil Muqdisho loogu geestay Darawalkii Gudoomiye Maxamed Ismaaciil

Waxaa goordhaw xaafad katirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir lagu dilay Darawalkii Gudoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil.

Sida aan wararka ku helnay Dilka Darawalkan Gudoomiyaha Kaxda oo lagu magacaabayay Cabduqaadir Carab ayaa waxaa geestay askari kamid ahaa ilaalada Gudoomiyaha Kaxda.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dilka uu sabab u ahaa is maan dhaaf soo kala fhax galay Darawalka iyo askariga dilka geestay, lamana oga wali wax ay isku qabteen labadan nin.

Gudoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay in uu jiro dilka loo geestay darawalkiisa, waxa uuna intaa raaciyay in dilkaasi uu ku dhacay qaab kam ah ayna socdaan baaritaano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Agaasimihii Guud ee Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo xabsiga la dhigay

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay shirka Afisiyooni uga furmay DF iyo dowlad goboleedyada

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo gaaray deegaanno dhawaan labo beel ku dagaallameen (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---