Muqdisho: Taliye saldhig Boolis iyo ciidan la socday oo ku biiray Mucaaradka (Sawirro)

Taliyihii ciidanka Booliska Saldhigga degmada Shibis ee gobolka Banaadir Farxaan Axmed Xasan (Jaraaye) ayaa ku biiray ciidamada gadoodsan ee taageeraya mucaaradka diidan muddo kororsiga sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray.

Farxaan Axmed Xasan (Jaraaye) oo wata labo gaari Cabdi bile ah ayaa ku biiray ciidanka ku sugan aagga Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis.

Aaga Mirinaayo oo uu degan yahay Madaxweynihii hore ee dalka Xassan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa shalay ka dhacay dagaal dhexmaray ciidamada kala taageeraya dowlada iyo mucaaradka.

Taliyaha Booliska saldhigga degmada Shibis ayaa kamid ahaa taliyaashii la magacaabay markii xilka laga qaaday Jen. Saadaq Joon

Shir jaraa’id oo goor dhow Taliyaha goostay uu qabtay ayuu ku sheegay inuu gartay hadafka laga leeyahay dagaalka Muqdisho, isla markaana uu goostay inuu isaga tago, kuna biiro walaallihiis, wuxuuna ugu baaqay saraakiisha Booliska inay tallaabadaas oo kale qaataan.

Talaabadan ayaa laga cabsi qabaa inay wado u noqoto ciidamo iyo taliyeyaal kale oo ka goosta ciidamada taageersan madaxweynaha waqtidiisu dhammaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -