Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo soo bandhigtay Magaca iyo Qabiilka ninkii isku qarxiyay Hotelka Doorbin

Al Shabaab ayaa baahisay Wareysi laga qaaday ninkii fuliyay weerar ismiidaamin ah oo labo habeen kahor ka dhacay afaafka hore ee Hotelka Doorbin oo kuyaala meel ku dhaw Xarunta Hay’ada Nabad sugida Qaranka.

Ninka fuliyay weerarka ismiidaaminta ah ee ka dhacay afaafka hore ee Hotelka Doorbin ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi sheekh Aadan Sheekh Axmed Guure oo kasoo jeeda Beesha Mareexaan.

Waxa uu ku sheegay Wareysi uu ninkan bixiyay in uu ku faraxsan yahay fulimta weerarka ismiidaaminta ah uu sheegay in uu la beegsanayo cadowga Islaamka, waxa uuna fariin u diray dagaalyahanada kale ee kooxda Al Shabaab.

Weerarka ismiidaaminta ah ee ka dhacay meel baabuurta la dhigto oo katirsan Hotelka Dorbn waxaa ku dhintay dad ka badnaa 20-qof oo isugu jiray shacab iyo ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo iyo Masuuliyiin kale oo ka falceliyey Raisul Wasaaraha la Magacaabay

Caydiid Ali

War cusub oo ka soo kordhay ciidankii sanadaha tababarka ugu maqnaa dalka Eritrea

Caydiid Ali

Xukun dil ah oo mar kale lagu riday Maxamed Cabdixakiin oo dilay saaxiibkiisa shaqada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---