Ciidamada AMISOM oo lagu biiriyay Ciidamada Xasilinta ee ka howl galaya Muqdisho

Ciidamada Nabad ilaalina u jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa lagu biiriyay Ciidamada Xasilinta Caasimada oo markii hore ka koobnaa Ciidamo katirsan Nabad sugida, booliiska iyo kuwa Milatariga ee Danab.

Shir deg deg ah ay shalay wada qaateen Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada Soomaaliya iyo Taliyaasha ciidanka dowlada ayaa la isku raacay in ciidamada AMISOM qeyb ka noqdaan ciidamada Xasilinta ee ka howlgala Muqdisho.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay i n Ciidamada AMISOM qeyb ka noqon doonaan ciidamada Xasilinta Caasimada ee howl galada ka wada Muqdisho.

Waxa uu mar kale ku celiyay Wasiirka Amniga Gudaha in aan la ogoleyn gudaha Muqdisho gaadiidka ay saaran yihiin hubka culus iyo kuwa ay la socdaan askara badan, waxa uuna tilmaamy in markan si adag loo dhaqan gelin doono go’aankii Golaha Wasiirada.

Wasiirka Amniga Gudaha ma sheegin in Ciidamada AMISOM kaliya qeyb ka noqon doonaan ciidamada Xasilinta ee ku sugan koontaroolada yaala gudaha Muqdisho iyo in ay  ka qeyb qaadanayaan howlgalada gaarka ah.

Go’aankan kasoo baxay Dowlada ayaa kusoo aadaya xili labo habeen kahor weeraro isugu jira ismiidamain iyo mid toos ah ka dhaceyn magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw Madaxtooyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -