Mahad & qoyskiisu dowlada Soomaaliyeed ayey cadaalad ka sugayaan! Dhacdo Murugo leh (Daawo Sawirro)

Ciidamada Soomaalida ah ee ay tababartay dowlada Emirateka ee degan Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa galabta qorrax dhicii toogtay Hanad Maxamed Xasan oo ka mid ahaa dhallinyarada Muqdisho ee ku shaqeysta Gaadiidka Bajaajta si ay nolol maalmeedka u deberaan.

Askari ka mid ah ciidanka ay Emiratku tababareen ayaa Hanad u toogtay si bareer ah xili uu Bajaajtiisa watay, goobjoogayaal ayaa waxey sheegeen in Askarigu uu qoonsaday Bajaajta oo u soo dhowaatay ciidankooda, Hanad ayaa u dhintay dhaawicii soo gaaray.

Askariga dilka geystay ayaa galay Xarunta Xero Agoonta, taliyaha amaanka ee degmada Hodan oo goobta yimid ayaa loo diiday in lagu wareejiyo gacan ku dhiiglaha.

Eheladda marxuumka ayaa tagay xarunta laga amro ciidamada Emirate-ka si ay wiilkooda caddaalad ugu helaan, laakiin waxaa loo sheegay in sarkaalkooda ugu sareeya oo ah nin Carab ah uu maqan yahay sidaa darteed aaney diyaar u aheyn iney kala hadlaan arintaan taas oo qoyska niyad jab ku riday.

Taliye ka tirsan Milatariga oo lala xiriiray ayaa sheegay inuusan waxba ka qaban karin ciidankaas ay Emirate-ku maamulaan.

Shacabka Muqdisho ayaa dhibane u ah qaraxyada Al Shabaab iyo toogashooyinka askarta dowlada noocey doonaanba ha ahaadeene.

Hanad wuxuu ahaa wiil Madi ah isaga ayaanna biili  jiray reerkiisa gaar ahaan hooyadii Istaahil iyo walaalihiis sida ay sheegeen dad yaqaanay.

Ciidamada Emirate-ku gacanta ku hayaan ayaan hoos tagin hay’adda amniga ee Dowladda Somalia, dhowaan waxaa lagu eedeeyay iney weerar ku qaadeen guriga Senator Cabdi Qeybdiid, walaac badan ayaa laga muujinaya iney Muqdisho joogaan ciidan aan Dowlada hoos tagin oo meeshey rabaan weerari kara qofkii ay doonana dili kara saacad kasta.

Hanad iyo Qoyskiisu Caddaalad ayey rabaan, waxaana cadaaladaas looga fadhiyaa dowlada federaalka Somalia oo masuul ka ah iney shacabkeeda ka difaacdo cadowga gudaha iyo dibeda, hadii dowladu kaalintaas ka soo bixi weysana waxaa adkaan doonta iney hesho kalsoonida shacabkeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -