Ganacsade caan ah oo saaka Muqdisho ku geeriyooday & Madax hore oo ka tacsiyadeeyey

Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Bashiir Raage Shiiraar oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed, kana mid ahaa dadka saameynta ku lahaa siyaasadda dalka wixii ka dambeeyey burburkii dowladdii dhexe.

Xubno ka mid ah ehelkiisa ayaa xaqiijiyey inuu u dhintay xanuun dhanka wadnaha oo ku soo booday.

Bashiir Raage Shiiraar ayaa 1996 ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyo iyo siyaasiyiin Muqdisho ku aasaasay Isbaheysigii la dagaalanka argagaxisada ee looga adkaaday dagaaladii ay xiligaas la galeen xoogagii Midowga Maxkamadaha oo xiligaas la wareegay caasimada.

Sidoo kale Bashiir Raage ayaa ka mid ahaa ganacsatada iyo siyaasiyiinta saameynta ku leh woqooyiga Muqdisho.

Marxuumka waxaa geeridiisa ka tacsiyadeeyey dad fara badan oo masuuliyiin hore ay ku jiraan, kuwaasoo  uu ka mid yahay Raisul Wasaarihii hore ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geeddi.

“Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca qoyskeyga (family), kan qaraabada iyo asxaabtaba waxaan tacsi u dirayaa qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay marxuum Bashiir Raage Shiiraar oo ku geeriyooday magaalada oo uu in muddo ah ku xanuunsanaa. Marxuumka waxaan ILAAHAY uga baryeynaa in uu u naxariisto, jannatul firdowsana ka waraabiyo; samir iyo iimaanna naga wada siiyo” ayuu yiri Prof Geeddi.

Sidoo kale madaxweynihii Hore Xassan Shiikh Maxamed ayaa ka tacsiyadeeyey geeridiisa.

Waxaan murugada la qeybsanayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum Bashiir Raage Shiiraar. Waxaan Alle uga baryayaa in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, anagana sabar iyo iimaan naga siiyo” ayuu yiri Xassan Shiikh

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -