Dowlada Kenya oo xil sare u magacawday nin sanad kahor geeriyooday !!

Baraha bulshada iyo Waraahinta dalka Kenya ayaa aad u hadal haya xil sare oo dowlada u magacawday nin sanad kahor geeriyooday, waxa ayna dhacdadan dhalisay hadal heyn aad u badan.

Robert Kochalle oo dhintay bishii may ee sanadkii hore ayaa kamid ahaa sadex qof oo loo magacaabay in ay hogaamiyaan guddiga maamulo aflaamta dalka Kenya ee magacooda loo soo gaabiyo KFCB .

Baraha bulshada ayey arintan hadal heyn badan ka abuurtay kadib markii dadku ogaadeen in nin dhintay xil sare loo magacaabay, waxa ayna dad qaar sheegeen in habacsanaan iyo hubin la’aan ka jirto dadka ay dowlada xilalka u magacawdo.

Madaxa fullinta ee guddigga KFCB, Ezekiel Mutua ayaa sheegay in khalad yar oo dhacay si weyn loo buun buuniyay,waxa uuna xusay in khalad ka dhashay isku dhax yaac ka jiray guddigan iyo sidoo kale wasaarada kale oo guddigan la hoos geeyay.

Dhacadan ayaana noqotay midii ugu hadal heynta badneyd saacadihii lasoo dhaafay gudaha Kenya, waxaana dad badan aysan ku qancin sharaxaada uu bixiyay Madaxa guddiga fulinta

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -