Nin ka cararay Isbitaal xili la doonayay in laga baaro xanuunka Caronavirus

Nin u dhashay dhashay Thailand oo safar ku tagay dalka Zimbabwe ayaa ka baxsaday isbitaal la geeyay si loogu sameeyo baaritaan, waxaana ninkan laga shakiyay in uu qabo cudurka Caronavirus.

War kasoo baxay wasaarada caafimaadka dalka Zimbabwe ayaa lagu xaqiijiyay in ninkan oo lagu arkay qandho daran iyo qunfac la geeyay isbitaal si baaritaan loogu sameeyo loona karaantiilo balse si lama filaan ah isbitaalka uga cararay una baxsaday.

Booliiska Zimbabwe ayaa lagu amray in ay soo qabtaan ninkan baxsaday ee looga shaki qabo in uu qabo cudurka Caronavirus, waxaana socda howlgalo booliiska ku baadi goobayaan ninkan isbitaalka ka baxsaday.

Wasaarada caafimaadka dalka Zimbabwe ayaa sheegtay in ay wado dadaalo ay ku dooneyso in looga hortago in caabuqa Caronavirus uu dalkaasi kusoo gaaro, walina dalkaasi lagama soo sheegin qof laga helay caabuqa Caronavirus.

Toban Wadan oo kuyaala Afrika ayaa la sheegay in uu soo gaaray caabuqa Caronavirus, waxaana la xaqiijiyay in 100-qof oo kunool dalalkaasi laga helay caabuqa, dalka Masar ayaana noqday dalka ugu badan ee afrika kuyaala ee lagu arkay cudurkan dad qaba.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -