Caro ka dhalatay Haweeney cunug ku dhax dhashay beerta Uhuru Park (Daawo Sawirada)

Dadka isticmaala baraha bulshada dalka Kenya ayaa si weyn u hadal haya gabar hoy la’aan ah oo cunug ku dhax dhashay beerta xorriyadda ee Uhuru Park ee loogu tala galay in lagu nasto .

Baraha bulshada ayaa lasoo dhigay qoraalo dowlada lagu dhaliilayo oo ku aadan in ay wax u qaban waayeen gabadha hoy la’aanta aheyd ku dhax dhashay beerta Nasasahada ee kutaala magaalada Nairobi.

Dadka qaar ayaa caro weyn ka muujiyay in dowlada ay baxnaano caafimaad u fidin weysay gabadhaasi iyo dadka kale ee lamidka ah, waxaana dadka Kenyanka dowlada ugu baaqeen in a wax u qabato dadka danta yar ee xaaladaha adag heestaan.

Rebecca Atieno oo 20 jir ah ayaa ku dhashay beerta xorriyadda ee Uhuru Park ee Nairobi,waxa ayna gabadhan rabtay  in ay beerta ku nafisto ka dib markii Talaadadii laga soo eryay huteelkii ay ka shaqaynaysay.

Wargeyska The Standard ee kasoo baxa Kenya ayaa sidoo kale qoray in gabadhan laga soo saaray hotel ay degtay kadib markii ay awoodi weysay in ay iska bixiso lacag aad u yar oo looga baahnaa.

Gabadha ay beerta Xuriyada ee Uhuru Park ku dhashay Rebecca ayaa loo bixiyay magaca Hope oo rajo la macno ah, waxaana hooyada iyo gabadha ay dhashay markii dambe la geeyay Isbitaalka Kenyatta Hospital.

Dad badan ayaa dhacdadan baraha bulshada sida Facebook iyo Twitterka uga  fal celiyay wax yar ka dib markii dowlada Kenya ay qabatay orad lagu dhiirigalinayo umulinta bilaashka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -