Gabar 14-sano jir ah oo Maxkamad ka furtay Nin Aabaheed si qasab ah ugu daray !!

Gabar 14-sano jir ah ayaa Maxkamad kutaala magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxa ay ka dacweesay nin ka da’weyn oo aabaheed iyada oon raali ka aheyn u guuriyay.

Xaawa Cabdi Aadan ayaa Maxkamada Laascaanood ka dacweeysay nin sanado badan ka weyn oo iyada oo 11-sano jir ah sanadkii 2015-kii loo guuriyay, waxa ayan sheegtay in aysan raali ka aheyn guurkaasi sidoo kale aysan qaangaarin.

Gabadha ayaa la sheegay in ay ka carartay ninka loo guuriyay oo ka weyn 20-sano, waxa ayna gabadhan u baxsatay dhinaca magaalada Hargeysa, Xaawa Cabdi ayaa ugu dambeyn Maxkamad kutaala Laascaanood ka dalbatay in laga furo ninka qasabka loogu guuriyay.

Maxkamada Laascaanood ayaa Maanta oo Khamiis ah  go’aamisay in uu furo Ninka lagu daray Gabadhan da’da yar oo lagu Magacaabo Iftin Cabdi Aadan, waxaana go’aanka Maxkamada ku faraxday gabadha dacwada gudbisay.

Xaawa Cabdi Aadan oo la hadashay Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegtay in dacwada ay u gudbin naceyb ay u qabto Ninka loo guuriyey balse aysan gaarin da’da guurka, ugu dambeyna ay cadaalada ka heshay Maxkamada laas-caanood.

Guddoomiyaha Maxkamada degmada laas-Caanood Cumar Sheekh Maxamed Aadan ayaa sheegay in Maxkamada dacwad soo gaarsiisay Xaawa Cabdi oo ka cabaneysay nin si qasab ah loogu daray, waxana uu sheegay in Gabadha la mehriyey, iyada oo aan qaan gaarin,sidoo kalena aan lala socod siin.

Dacwadan aan nuuceeda horey loogu arag dhulka Soomaaliya ayaa aad looga hadal hayaa magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gayiga Soomaaliya, waxaana jira gabdho badan oo waalidiintooda iyaga oon raali ka aheyn si qasab ah ugu guuriya rag ka da’ weyn.

- Advertisement -