Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo la kulmay safiirka Imaaraadka iyo xogta waxii ay kawada hadleen

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Axmed Juma Al Rumaithi.

Xamse Barre iyo safiirka dowladda Imaaraadka ayaa kulan ay yeesheen waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in Ra’isul Wasaaraha kala hadlay safiirka Imaaraadka Carabta xiisada ka dhax taagan dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, taa oo ka dhalatay xad-gudb ay ku kacday Itoobiya.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maalmahan waday kulamada uu la qaadanayo wakiillada beesha caalamka u jooga Soomaaliya, kuwaa uu kaga raadinayay garab istaag iyo taageero in ay siiyaan Soomaaliya oo la dulminayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo ammar kasoo saartay Doorashooyin iska soo horjeeda oo Muqdisho ka dhacaya

Cabdi Cade

Farmaajo oo ka digay fulinta qorshe uu wato Madaxweyne Xassan Shiikh

Caydiid Ali

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo raggii watay oo la qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---