Madaxweyne Deni oo la kulmay Madaxweynaha Xaalku ku xun yahay ee Galmudug (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa Waqooyiga magaalada Gaalkacyo kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Kulanka labada Madaxweyne dhax maray ayaa looga hadlay arimo dhowr ah ay kamid yihiin khilaafka dowlada federaalka iyo maamulada ay Galmudug ku jirto iyo sidii xal looga gaari lahaa arimahaasi.

Madaxda Galmudug iyo Puntland ayaa sidoo kale la filayaa in kulamo kale yeeshaan, mana jiro ilaa hada war saxaafadeed labada maamul ay kasoo saareen kulanka ay yeesheen labada Madaxweyne goboleed.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee isku arkaan labada Madaxweyne kadib markii uu dhawaan fashilmay shirkii Garawe ku yeesheen Madaxda maamul goboleedyada iyo dowlada federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo mudo kororsi damacsan ayaa xiligan xaalku aad ugu xun yahay, waxaana heesta cadaadis xoogan oo kaga imaanaya dowlada federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale beesha Caalamka,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -