Xaguu ku Dambeeyay Xaalka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur?

Waxaa magaalada Baydhabo 13-kii bishii December laga soo xiray Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, oo mar kamid ahaa Hogaanka ugu sareeya ee kooxda Al Shabaab balse markii dambe kasoo baxay.

Abuu Mansuur ayaa isla maalintaasi la xiray waxaaa la keenay magaalada Muqdisho oo la dhigay xabsi gaar ah, waxaana wadaadka oo damac ka galay in uu noqdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed  mudo sadex bilood ah dhax jiifaa xabsi dowladu leedahay.

Sababaha Abuu Mansuur loo xiray ayaa horey loogu sheegay in uu ahaa in laga reebo Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu u sharaxnaa , waxaana dad badan ay filayeen in Abuu Mansuur lasoo deyn doono hadii doorashada dhamaato.

Dadaalo lagu doonayay in xabsiga looga sii daayo Abuu Mansuur oo ay wadeen Masuuliyiin katirsan dowlada federaalka iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa marar badan fashilmay, waxaana dowlada xuriyada Abuu Mansuur ku xirtay shuruudo adag.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa hada lagu hilmaamay xabsiga uu Muqdisho uga xiran yahay, mana jiro wax Maxkamad ah oo dowlada soo saartay inta uu xirnaa , sidoo kale dowlada kama hadlin dambiga loo heesto uu ilaa xiligan u xiran yahay.

Gudoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal oo Baydhabo kula hadlay waxgaradka beesha uu kasoo jeedo Abuu Mansuur ayaa 21-kii bishii Janaayo balan qaaday in uu si deg deg ah xabsiga looga soo saari doono.

Mursal ayaa cadeeyay in uusan markii hore raali ka aheyn xariga Abuu Mansuur balse dadaal ku bixin doonaan isaga iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed in xabsiga kasoo saari doonaan hadii kale xilka ay hayaan uusan waxba aheyn.

“Waad ogtihiin anigu waan ka hadlay in Mukhtaar Roobow la mid yahay Musharixiinta kale, farahana laga qaado.. Xitaa Waxaan dalbaday in doorashada dib loo dhigo.. xaalad walboo Mukhtaar lagula dhaqmay aniga raali kama aheyn, waxaan idin balanqaadayaa in Mukhtaar uu bannaanka soo bixi doono.. Aniga iyo C/cassiis oo isla jirna haddii Mukhtaar aan soo deyn weyno.. kuraasta aan ku fadhino waa wax kale” ayuu yiri Gudoomiyaha Mursal.

Hadalkaasi ayaa noqday mid meeshii lagu dhahay aan laga soo qaadin, waxaana Gudoomiyaha golaha shacabka oo ah ninka labaad ee dalka ugu awooda badan ku guul dareestay fulinta balantii ay aheyd in xabsiga laga soo daayo Abuu Mansuur.

Dowlada Soomaaliya ayaa markii uu Abuu Mansuur isku soo dhiibay siisay xuriyad badan , waxa uuna safaro joogto ah ku tagu jiray Deegaanada Koonfur Galbeed uu abaabul ka waday, waxa uu sidoo kale u baxay safar dalka dibadiisa ah, hasa Ahaatee Abuu mansuur ayaa eersaday damacii ka galay in Madaxweyne ka noqdo Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -