Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geeridii ku timid Xaawo Cabdi Samatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootey Marxuumad Xaawo Cabdi Samatar, oo ahayd Marwada, Alle ha u naxariistee, madaxweynihii hore ee dalka Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaad ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Marwo Xaawo Cabdi Samatar oo ahayd Marwadii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Waxaan si gaar ah xanuunka tacsida ula qaybsanayaa qoyska Madaxweynihii hore ee dalka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumadda Alle u weydiiyey in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootey.

Related posts

Taliye Indha-qarshe oo gaaray Kismaayo & Xog ku aadan ujeedada safarkiisa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Magac ay la baxaan dadka Muslimiinta oo kamid noqday Magacyada ugu caansan dalka …

Cabdi Cade

Abiy Axmed oo si aan caadi aheyn loogu so dhaweeyay Jigjiga (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---