Ciidanka Milatariga oo qarka u saaran in ay kasoo baxaan Furumaha dagaalka

Ciidanka Milatariga Soomaaliya ee kusugan furumaha hore ee dagaalka  ayaa lagu soo waramayaa in ay qarka u saaran yihiin in ay kasoo baxaan aaga dagaalka ,kadib duruufo adag oo lasoo darsay.

Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa ka cabanaya in dhoor bilood aysan qaadan wax mushaar ah, waxa ay sidoo kale ciidankan sheegeen in mushaar la’aanta heesata ugu darsantay garaamkii ay cuni jireen oo hadana waayeen.

Qaar kamid ah ciidanka Milatariga Soomaaliya ee ku sugan furumaha dagaalka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in xaalad adag ku sugan yihiin ayna helin mushaarkooda mudo afar bilood ah, waxa ayna sheegeen in dantu ku kalifi karto in aaga kasoo baxaan.

Ciidankan ayaa sheegay in xaasaskooda iyo caruurtooda aysan siin mudo dhowr bil ah wax biil ah, waxa ayna xuseen in guryo kiro ku jiraan sidoo kale daawo iyo waxbarasho u baahan yihiin caruurtooda balse aysan awoodin in ay wax taraan maadama aysan heli boqolkii dollar ay mushaar ahaanta u heli jireen mudo dhoor bil ah.

Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ku faani jirtay in ay bil waliba bixiso mushaarka ciidanka iyo shaqaalaha dowlada, hasa ahaatee bilihii lasoo dhaafay ayaa ciidanka mushaarkooda si toos ah u helin iyaga oo sidoo kale hada waayay garaamkii.

Ciidanka xooga Soomaaliya ayaa hadii ay kasoo baxaan furumaha dagaalka waxa ay fursad u noqoneysaa kooxaha dowlada kasoo horjeeda, waxaa sidoo kale halis gali kara amaanka Muqdisho hadii ciidanka ka howgala aysan helin mushaar iyo wax ay cunaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -