Waa Maxay ujeedada dowlada Turkigu ka leedahay taageerada ay siiso Soomaaliya?

Waxaa marar badan siyaabo kala duwan looga hadlay Sababta ay dowladda Turkiga muhiimad balaaran u siisay Soomaaliya oo ah dal burburay dhinac walba.

Dowladda Turkiga waxay Muqdisho ka furatay Safaarada ugu weyn ee ay ku leedahay Qaaradda Afrika , waxaa sidoo kale ay Muqdisho ku leedahay Saldhig milateri oo ay joogaan boqolaal ka tirsan ciidamada Turkiga.

Dadka falanqeeya Siyaasadda Afrika ayaa waxay sheegeen in dowladda Turkiga ay ugu jirto Somalia tartan ah in ay ka xigsato dalalka kale ee Afrika iyo Carabta.

Balse  Agaasimaga guud ee laanta xiriirka Afrika  ee Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Turkiga Ahmet Riza Demirer  oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Anadolu Agency ayaa sheegay in aysan jirin Tartan ay ka waddaan Soomaaliya,laakiin ay kaliya ay ku howlan yihiin Caawinta Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya aysan ahayn meel uu caalamka ku tartamo Turkigana uusan tartan u joogin.

Ahmet Riza Demirer Waxaa uu ka jawaabayay su’aal ahayd sida dalalka deriska iyo caalamka intiisa kale ay u arki karaan Saldhigga Turkiga ee Muqdisho.

Mar uu ka hadlaayay Saldhigga Turkiga ee Muqdisho ayuu sheegay in ujeedada laga leeyahay tahay kaliya in lagu tababaro Ciidamada Soomaalida ah si ay amniga dalkooda wax uga qabtaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -