Dad badan oo ku dhintay Qarax maanta ka dhacay Suuq Xoolaha lagu iibiyo

Qarax miino oo dhulka lagu aasay ayaa maanta ka dhacay Suuq xoolaha lagu iibiyo oo kuyaala deegaanka Goof-Gaduud Buureey oo ka tirsan Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan ayaa lagu aasay goob mashquul badan oo katirsan Suuqa Xoolaha Goof-Gaduud oo maalmaha arbacada uu ka jiro mashquul badan laguna kala iibsado xoolaha.

Inta la xaqiijiyay qaraxan ka dhacay deegaanka Goof-Gaduud Buureey waxaa ku dhintay 7-qof halka ay ku dhaawacmeen dad intaas ka badan, waxaana dadka qaraxa ku dhaawacmay la geeyay isbitaalka magaalada Baydhabo.

Qaraxan ka dhacay Suuqa xoolaha lagu iibiyo ayaa saameyn badan ku yeeshay ganacsigii halkaasi ka jiray, waxaana mar qura lagu kala caray Suuqa kadib markii qaar kamid ah dadkii Suuqa joogay noqdeen kuwa dhintay iyo kuwa dhaawacmay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -