Al Shabaab oo Xukun dil ah ku fulisay Nin dil iyo Kufsi geestay

Xarakada Al Shabaab ayaa xukun dil ah ku fulisay nin la sheegay in uu dil iyo kufsi u geestay haweeney waayeel aheyd oo kunooleed Deegaan katirsan gobolka Baay.

Maxkamad Al Shabaab leedahay ayaa xukun dil ah ku riday Aaden Ibraahim Aaden oo lagu helay in uu kufsi iyo dil u geestay haweeney da’ ah, waxaana Maxkamada sheegtay in uu ninkan uu qirtay dilka uu geestay.

Ehelada Haweeneyda la dilay ayaa codsaday in loo dilo ninka dilka geestay , waxa ayna soo dhaweeyeen xukunka qisaasta ah ee maanta lagu fuliyay ninka gacan ku dhiiglaha ah.

Fagaare kuyaala Deegaanka Iidaale ee magaalada Baydhabo ayaa maanta xukunka qisaasta ah lagula fuliyay ninka gacan ku dhiiglaha ah, waxaana fagaarahaasi soo buux dhaafiyay dadweyne badan.

Al Shabaab ayaa deegaanada ay ka taliso xukuno dil ah kula fulisa dadka dilka geesta iyo sidoo kale dadka ay ku eedeeyaan  in ay yihiin Jawaasiis u shaqeysa Sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa shisheeye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -