Dal Yurub kuyaala oo Itoobiya ka caawinaya Dhismaha Ciidamada Badda

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron oo booqasho taariikhi ah ku tagay dalka Itoobiya ayaa kulan la qaatay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxa uuna Macron balan qaad u sameeyay dowlada Itoobiya.

Madaxweyne Macron ayaa u balan qaaday dowlada Itoobiya in ay ka caawinayaan dhinacyo badan, waxa uuna si gaar ah u xusay in Faransiiska diyaar u yahay in Itoobiya ka caawiyaan dhismaha ciidamada Badda.

Waxa sidoo kale Madaxweynaha dalka Faransiiska ugu deeqay dowlada ItoobiyaĀ Ā lacag gaareysa boqol malyan oo Euro, Madaxweyne Macron ayaa sidoo kale u balan qaaday in dowlada Itoobiya dhinacyo kale ka caawin doonaan.

Dowladaha Faransiiska iyo Itoobiya ayaa sidoo kale ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada dal iyo in la isku furo ganacsiga labada wadan si ay uga faa’iideestaan bulshada labada wadan loona sameeyo maalgashi.

Itoobiya ayaa sameesatay ciidamada Badda iyo sidoo kale soo iibsatay maraakiib dagaal, waxaana xusid mudan in dowlada Itoobiya aysan laheyn wax bad ah ay adeegsadaan ciidankooda inkastoo dalkaasi sii kordhinayo ciidamada Badda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -