Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa kusoo kordhay Qaraxyadii iyo Weeraradii xalay gil gilay magaalada Muqdisho ?

Magaalada Muqdisho xalay waxa ay u aheyd haween jahwareer badan oo magaalada qeybo badan oo kamid ah laga maqlayay rasaas la is dhaafsanayo iyo qaraxyo loo adeegsaday gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Jawiga magaalada Muqdisho ayaa saakay kusoo laabtay sidiisii caadiga ahaa, waa ayna dadku wali hadal hayaan qaraxyadii iyo weerardaii xalay gil gilay magaalada Muqdisho iyo waliba khasaaraha ka dhashay.

Qaraxii ugu khasaaraha badnaa ayaa xalay abaaro salaadii Muqrib ka dhacay afaafka hore ee Hotelka Dorbin EX-Bar Fiat, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaaraha ugu badan ee soo gaaray dad shacab ah.

In ka badan 20-qof oo u badnaa dad shacab ah ayaa ku dhintay qaraxaasi, waxaana dadka dhintay isugu jireen kuwa ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay iyo dad kale oo lugeenayay laamiga ay ku jiraan haween iyo caruur.

Dadka qaraxan ku dhintay waxaa sidoo kale ku jiray askar ilaalo u ahaa Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo dowlada katirsan , askarta iyo darawalo la geeriyooday ayaa ku sugnaa halka gaadiidka lagu baakimo Hotelka Dorbin oo ah mid cusub.

Goobta uu qaraxan ka dhacay ayaa saakay laga dareemayaa bur bur xoogan iyo dhiig badan oo daadsan, waxaana muuqaalka aagaasi uu noqday mid isbadalay oo xaalad murugu ah la dareemayo.

Dhinaca kale waxaa sidoo kale sii kordhaya Khasaaraha iyana ka dhashay qarax iyo iska hor imaad saacado socday oo ka dhacay meel ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana iska hor imaadkan dadka ku dhintay isugu jiraan shacab iyo ciidan.

Sida aan wararka ku helnay askar katirsan ciidanka ilaalada Madaxtooyada ayaa ku dhintay iska hor imaadka, waxaa sidoo kale ku dhintay dad shacab ah oo ku sugnaa aaga uu iska hor imaadka ka dhacay.

In ka badan 10-qof oo isugu jira shacab askar iyo dableydii hubeesneyd ayaa ku dhintay iska hor imaadka ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya, dadka dhintay qaarkood ayaa u dhintay dhiig bax kadib markii ay waayeen wax usoo gurmada.

Wasaarada Amniga gudaah ayaa sheegtay in la dilay dhamaan ragii weerarka soo qaaday oo ahaa ilaa shan nin oo ku hubeesnaa dareeska ciidanka booliiska Soomaaliya, waxaana ragan la dilay hubkii ay wateen la wareegay ciidamada amaanka.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah u shaacin khasaaraha guud ee ka dhashay weeraradii iyo qaraxyadii xooganaa ee xalay gil gilay Muqdisho, waxa ayna qaraxyadan kusoo aadayaa xili Muqdisho bilihii ugu dambeeyay ka nasatay qaraxyada iyo weerarada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay kulamo xasaasi ah oo ka socda magaalada Dhuusomareeb

Cabdi Cade

Akhriso Warbixintii Guddiga Dib u Heshiisiinta Gobolka Gedo u gudbiyeen R/W Rooble

Cabdi Cade

Suuqa ugu weyn Itoobiya ee Mercato oo gubanaya (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---