Guddoomiyihii 3aad ee ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir oo geeriyootay

Gudoomiyihii degmada Shingaani ee gobolka Banaadir Sahro Shiikh Amiin (Sahro Markeesi) ayaa ka mid noqotay gudoomiyeyaashii degmooyinka ee ku naf waayey qaraxii galabta ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Ilo wareedyo kala duwan oo lagu kalsoon yahay ayaa allbanaadir.com u xaqiijiyey geerida Marxuumad Sahra.

Wararka aya sheegaya in gudoomiye Sahra ay si xun ugu dhimatay hoolka uu qaraxu ka dhacay, uuna jirkeeda cad cad u googoo’day taasoo sababtay in muddo saacado ah ay qaadato xaqiijinta geerideeda.

Sahro Markeesi ayaa inta aan loo magacaabin gudoomiyaha degmada Shingaani waxay ka tirsaneyd shaqaalaha telefishinka ku hadla codka dowlada ee SNTV.

Geerida Sahra ayaa tirada guddoomiyeyaasha ku dhintay qaraxii galabta waxay ka dhigeysaa saddex, waxaana horey loo xaqiijiyey dhimashada gudoomiyaha degmada Waaberi Mahad Cilmi iyo kan degmada C/casiis Sabaax Cabdullaahi Asad.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale oo badan ayaa ku dhaawacmay qaraxan kuwaasoo xaaladooda caafimaad lala tacaalayo, waxaana ku dhintay agaasimeyaal iyo howlwadeeno kale oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -