Al Shabaab oo shaacisay Magacyada iyo Qabiiladii Ragii fuliyay Weerarkii Hotelka …

Xarakada Al Shabaab ayaa soo bandhigtay magacyada iyo qabiilada ay kasoo jeedaan afar dagaalyahan oo 28-Febraayo ee bishii hore weerar xoogan oo ismiidaamin iyo mid toos ah ku qaaday dhismayaal kuyaala Laamigaa Maka Al Mukarama.

Weerarka ay ragan fuliyeen ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay agagaarka Hotelka Maka Al Mukarama, waxaana qaraxa kadib rag hubeesan galeen dhismo ku dhagan Hotelka Maka halkaas ay ka dagaalamayeen saacado badan.

Al Shabaab ayaa magaca ninkii waday gaariga ku qarxay afaafka hore ee Hotelka Maka Al Mukarama waxa ay ku sheegeen Siidow Shariif Cabdulle oo 30-sano jir ahaa, waxa uuna ninkan u dhashay Beesha Dabare.

Xubnaha kale ee Weerarka ku galay dhismo ku dhagan Hotelka Maka Al Mukarama ayaa waxaa kamid ahaa Cabdulaahi Mukhtaar Macalim oo 24-sano jir ah, waxa uuna ninkan kasoo jeedaa Beesha Hadame.

Aadan Macalin Cadow ayaa sidoo kale  kamid ahaa ragii saacadaha badan ka dagaalamayay dhismaha Shideeye ee ku dhagan Hotelka Maka Al Mukarama, ninkan ayaana ahaa ninkii ugu dambeeyay ee ciidamada dowlada howlgalka ku dilaan.

Waxaa sidoo kale ragii weerarka fuliyay kamid ahaa Nuur Maxamuud Cusmaan oo 18-sano jir ahaa, ninkan ayaa isna kasoo jeeda Beesha Eelay , waxaana sadex kamid ah ragan ay kasoo jeedaan beelaha la isku dhaho Digil iyo Mirifle.

Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarka ragan ka fuliyeen magaalada Muqdisho lagu dilay dad ka badan 40-qof ay sheegeen in ay isugu jireen saraakiil, ciidamo iyo sidoo kale dad kale oo dowlada u shaqeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -