Madaxweyne Farmaajo oo galabta Safar kale oo dalka dibadiisa ah u baxay

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta u duulay magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa magaalada Kampala uga qeyb galaya shirka loogu magac daray Afrika Now oo beri lagu wado in si rasmi ah uga furmo magaalada Kampala.

Shirkan waxaa kasoo qeyb galaya oo lagu casuumay Madaxweynayaal Afrikan , waxaana la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cbadulaahi uu shirkan ka jeediyo kana hadlo xaalada Soomaaliya

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale la filayaa in magaalada Kampala kula kulmo Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni , waxa ayna labada Madaxweyne kawada hadli doonaan arimo badan ay kamid tahay xoojinta xiriirka labada dal.

Yuweri Musaveni Madaxweynaha dalka Uganda ayaa marar badan ka dhawaajiyay hadalo gef ku ah dowladnimada Soomaaliya iyo sidoo kale magaca umada Soomaaliyeed, mana jirin jawaabo ay dowlada Soomaaliya ka bixisay gefefkaasi.

Madaxweynaha  Uganda ayaa sidoo kale kasoo horjeestay in la dhimo ciidanka Soomaaliya ka jooga ee qeybta ka ah howlagalka AMISOM, waxa uuna ku hanjabay Musaveni in uu guud ahaan ciidankiisa dalka kala baxo hadii la damco in askartiisa la dhimo.

 

- Advertisement -