Muxuu yahay hadalka ka soo yeeray Kim John Un ee ka nixiyey reer galbeedka?

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in hadafkiisa u danbeeya uu yahay in uu yeesho awoodda ugu badan ee hubka nukliyeerka.

Kim John Un ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu dallacsiiyay toboneeyo sarkaal oo militari ah, kuwaasoo ku lug leh tijaabooyinkii dhowaan ee gantaallaha qaaradaha isaga gudba.

hadalkiisa ayaa yimid kadib markii uu Kim  kormeeray tijaabada gantaalka cusub ee Hwasong-17 oo ah kuwa qaaradaha isaga gudba ee ICBM, waxaana uu ballanqaaday in uu iska cabbin doono hanjabaadda nukliyeerka ee ka imanaysa Mareykanka oo uu kaga jawaabi doono hub nukliyeer ah.

“Dhisidda awoodda nukliyeerka ayaa ah mid ilaalineysa sharafta iyo madax banaanida dowladda iyo dadka, waana hadafkeena ugu dambeeya oo ah in aan helno xoogga istiraatijiyadeed ee ugu awoodda badan adduunka, waana xoogga aan horay loo arag qarnigan,” ayuu Kim ku yiri amarka dalacsiinta saraakiisha.

Waxa uu ugu yeeray gantaalka Hwasong-17 “hubka istaraatiijiyadeed ee ugu xooggan aduunka” waxa uuna sheegay in ay muujineyso ka go’naanta iyo awoodda Kuuriyada Waqooyi ee ay ugu danbeyn ku dhiseyso ciidanka ugu xooga badan caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -