(Daawo Sawirro) Sida quruxda badan ee RW Khayre loogu soo dhoweeyey Kismaayo

Ra”iisul Wasaaraha Somalia Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray si diirana loogu soo dhoweeyey magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne ku xigeenka labaad, gudoonka Baarlamaanka xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo dadweyne kala duwan ayaa qayb ka ahaa soo dhawaynta wafdigan oo Xamar ka yimid.

Ra”iisul Wasaaraha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo katirsan Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland iyadoo loo garaacay Astaanta qaranka waxaana Ra”iisul Wasaarahu uu gacan qaaday qaar kamid ah dadweynahii soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in wafdigan ay yimaadeen gurigoodii oo aanay marti ku ahayn wuxuu sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin imaatinkooda.

Waxaa uu Madaxweynahu intaas ku daray in xiriirka iyo booqashada madaxda ugu saraysa DFS ay ku yartahay Dowladaha xubnaha ka ah JFS taasoo gaabis ku ahayd mudooyinkii ugu danbeeyay wadahadalo ayuu sheegay in ay dhici doonan kuwaasoo dhamaan arimaha Jira lagaga hadli doono.

Madaxda ayaa loo galbiyay Magaalada Kismaayo iyadoo Aargada Kismaayo ay kula hadleen boqolaal dadweynaha Magaalada ah oo halkaas isugu soo baxay Madaxweynaha ayaa sheegay in ay tahay guul weyn oo nabadgalyada iyo Dowladnimadu ay sababeen in dadkan ay qoraxda u yimaadeen si ay u dhagaystaan madaxdooda.

Ra”iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre oo la hadlay dadka isu soo baxay ayaa u mahad celiyay Dowlada iyo dadweynaha Jubbaland isagoo ku amaanay soo dhawaynta iyo marti soorka weyn ee ay u sameeyeen wafdigiisa waxaa uu sheegay in wada hadalo laga yeelanayo sidii xiriirka iyo wada shaqaynta loo xoojin lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -