Warar cusub oo ka soo kordhay dayuuradii burburtay ee Ethiopian Airlines

Waxaa weli iska soo daba dhacaya wararka la xiriira dayuuradii Ethiopian Airlines ee shalay ku burburtay duleedka magaalada Addis ababa taasoo ay ku dhinteen 157 qof oo la socotay.

Shirkadda dayuuradaha Ethiopian Airlines ayaa goor dhow boggeeda Twitterka ku shaacisay in la helay sanduuqa madow ee dayuurada oo ilaa shalay la baadi goobayey.

Afhayeen u hadlay shirkada oo la hadlay TV-ga CNN ayaa sheegay in sanduuqan uu fududeyn doono in wax laga ogaado sababihii keenay burburka dayuurada iyo wixii dayuurada gudaheeda ka dhacay daqiiqado ka hor inta aysan burburin.

Dhinaca kale, dowlada Indonesia ayaa noqotay dowladii 3aad ee shaacisay iney fariisisay dhamaan dayuuradaha Boenig 737 Max-8 ka dib burburkii shalay ku dhacay dayuurad taas la mid aheyd oo laga lahaa dalka Itoobiya.

Dayuurad noocan ah oo ay laheyd Indonesia ayaa sanadkii hore burburtay wax yar ka dib markii ay ka kacday garoonka dayuurtadaha Jakarta, waxaana ku naf waayey 189 qof oo la socday.

Dowladaha Itoobiya iyo China ayaa ku dhawaaqay maanta iney joojiyeen isticmaalka dayuuradahan ilaa amar dambe, iyadoo dalal kale oo caalamka ka tirsan ay ka fiirsanayaan iney qaataan go’aankan oo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -