Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweynaha Kenya oo u adkeesan waayay aflagaado loo soo mariyay bartiisa Twitterka

Madaxweynaha Kenyatta Uhuru Kenyatta ayaa shaaciyay in uu iska xiray barta uu ku lahaa Twitterka ay ku xirnaayeen dad ka badan 3-milyan oo qof, kadib markii ay kusoo bateen dadka aflagaadeenaya.

Waxa uu sheegay in uu u adkeesan waayay aflagaadada loo geesanayo ayna taasi ku riday hurdo la’aan iyo wel wel, waxa uuna tilmaamay in uu go’aansaday in gabi ahaan iska xiro bartiisa Twitterka si uu uga nasto aflagaadada.

“Waxaa ii fiican aniga oo la shekeysta waqtina la qaata  qoyskeyga oo aan helo hurddo fiicaan si aan xilli hore usoo kaco , badalkii aan aflagaado kala kulmi lahaa Twitterka ” ayuu yiri madaxweynaha Kenya.

Kooxda Warfaafinta u qaabilsan Madaxweynaha Dalka Kenya ayaan wali ka hadlin dhankooda sababta ku kaliftay Madaxweynaha in uu iska xiro Twitterka iyo waliba waxa ay yihiin dadka uu dhibsaday ee aflagaadeenaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaarihii hore ee Itoobiya & afhayeenka ONLF oo Addis ababa ku kulmay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Shir ay ka qeyb galayaan 100 Hoggaamiye oo Nairobi ka dhacaya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo…

Cabdi Cade

Ogow Sababta dowlada Qatar u xirtay una heesatay ninkan u dhashay dalka Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---