Madaxweyne Deni oo Magacii ka bedelay Mid ka mid ah Wasaaradaha Maamulkiisa

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa wax ka bedelay magacii Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladdaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Puntland.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay in magaca wasaarada loo bedelay Wasaaradda arimaha gudaha, Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Puntland.

Madaxweynaha ayaa faray laamaha dowlada in ay dhaqan geliyaan Wareegtada wax ka badalka magaca wasaarada arimaha gudaha.

Lama oga sababta Madaxweyne Deni ku kaliftay inuu isbedel ku sameeyo magaca Wasaaraddan balse Saciid Deni ayaa mudooyinkan waday isbedelo cusub oo lagu dardar gelinayo howlaha maamulkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -