Soomaali kale oo ka mid noqotay dadkii ku dhintay shilkii Ethiopan Airlines (Magacyada)

Shirkadda Dayuuradaha Ethiopian Airlines ayaa maanta daabacday liis ay ku qoran yihiin dadkii shilka dayuuradeed ku dhintay iyo dalalkii ay kasoo jeedeen, waxaana liiska ku jira hal qof oo sitay baasaboorka Soomaaliga kaasoo ahaa Cabdishakuur Maxamed Cabdulle (Shahaad) oo ka mid ahaa shaqaalaha sare ee xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya.

Balse Waxay u muuqataa in Shirkaddu ay tixgalisay baasaboorada ay dadkaasi siteen oo keliya, waxaana soo baxaya warar kale oo sheegaya in dadka dhintay ay ku jireen dad asal ahaan Soomaali ah oo baasabooradaas shisheeye qaarkood sitay.

Soomaalida kale ee ku dhimatay shilkaas ayaa waxaa ka mid ahaa Wiil iyo hooyadiis lagu kala magacaabi jiray Nasrudiin Abdulqaadir iyo Sahra Hassan kuwaasoo watay Baasabooro British ah sida ay inoo xaqiijiyeen dad eheladooda ah oo jooga Muqdisho.

Siraaji Xuseen Cabdi oo isna ah qof Soomaali ah balse heysatay baasaboor dal kale ayaa ka mid ahaa dadka shilkaas ku dhintay.

Waxaa kale la soo sheegayaa in gabar Somali Canadian ah ay ku jirtay dadka ku dhintay shilkan, taasoo magaceeda lagu sheegay Aamina Ibraahim Odowaa, waxaana la dhintay  gabar ay dhashay oo lix sano jir ahayd laguna magacaabi jiray Safiya Feysal Cigaal,  waxaana la sheegay iney ku sii jeeday Nairobi oo arooskeedu ka dhici lahaa Jimcaha soo socda.

Gabar Soomaali ah oo iyana uu dhalatay dalka Jabuuti ayaa sidoo kale la xaqiijiyey iney ku dhimatay shilkaas sida ay xaqiijisay dowlada Jabuuti, waxaana gabadhaas oo aanan helin magaceeda dhalay safiirkii hore ee Jabuuti u fadhiyey France.

Waxaa dhici karta in Soomaali kale oo heysta dhalasho dalal kale ay ku jiraan dadka ku dhintay shilkan, waxaana idinkugu soo gudbin doonaa wararkeena soo socda haddii aynu ka helno xog dheeraad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -