(Akhriso) Dowlada Soomaaliya oo tacsi u dirtay shacabka & dowlada Itoobiya

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Shacabka iyo Dowladda Federaalka Itoobiya uga tacsiyadeysay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay dalkaasi Itoobiya,kaasi oo saameyn ku yeeshay dad rakaab ah oo ka soo kala jeeda dalal kala duwan oo uu ku jiro muwaadin Soomaaliyeed.

“Aragtideena iyo Dareenkeenna waxay la jiraan Qoysaska iyo shaqsiyaadka waxyeelada ka soo gaartay dhacdadan naxdinta leh,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Itoobiya oo ku jira xaaladan adag.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Diyaaradda oo ah Boeing 737 ahna nooca rakaabka qaada ayaa burburtay xilli ay u kala gooshaysay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta shirkadda Ethiopian Airlines Dayuuraddan ayaa waxaa saarnaa 149 rakaab ah iyo sideed ka mid ah shaqaalaha diyaaradda, kuwaasoo dhamaantood la xaqiijiyey iney dhinteen.

Diyaaraddu ayaa burburtay maanta oo Axad ah markay saacaddu ahayd 8:44, wax yar kadib markii ay kasoo duushay magaalada Addis Ababa, iyadoo hadalkii ugu horreeyey ee burburka diyaaradda uu kasoo baxay Raisul Wasaare Abiy Ahmed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -