Imaaraadka oo Diyaarad Khaas ah usoo diray Muuse Biixi oo dalkaasi u duulay (Daawo Sawiro)

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar shaqo ugu ambo-baxay dalka isu-tagga Imaaaraadka Carabta oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen, una soo diray diyaar khaas ah.

Madaxweynaha oo ay safarkiisa ku wehelinayaan wasiiro katirsan maamulkiisa ayaa marti-qaad rasmi ah ka helay dowlada isu-tagga Imaaraadka Carabta , waxana uu safarkoodan oo ah mid shaqo uu qaadan doonaa muddo maalmo ah.

Af-hayeenka madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa warbaahinta uga xog-warramay ujeeddada uu salka ku hayo safarka ay madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayaa ugu ambo-baxeen dalka imaaraadka carabta.

“ Waxa uu safarka madaxweynuhu salka ku hayaa xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Imaaraadka carabta iyo  Somaliland oo wadaaga xidhiidh siyaasadeed iyo mid ganacsi, islamarkaana ay ka dhexeeyaan hawlo horumarineed oo aad u waaweyni, waxaana uu dardargelin doonaa xidhiidhka labada dhinac.”Ayuu yiri Afhayeenka

Safarka madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo weftiga uu hoggaaminayaa ugu ambo-baxeen dalka isu-tagga Imaaraadka carabta, ayaa ah kii labaad ee uu dalkaas ku tago tan iyo intii uu hoggaanka dalka qabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -