Dowlada oo maanta dib ula wareegtay xaruntii talefoonnada casriga ah (Daawo Sawirada)

Dowlada Soomaaliya ayaa maanta sanado badan kadib dib ula wareegtay xaruntii talefoonnada casriga ah ee dalka oo ku taallay degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Xaruntan waxaa 29-sano ee lasoo dhaafay degnaa dad shacab ah, waxaana maamulka gobolka Banaadir ku guuleestay in xaruntan ka saaro shacabkii degnaa kuna wareejiyo Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta oo xaruntan laheyd.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada,  Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka Banaadir gacantii ay ka geysteen in dhismahan dib loogu soo celiyo Wasaaradda.

Xaruntan Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta dib loogu soo celiyay waxaa dhisay oo qalabeeyay dalka Japan aakhirkii 1980-dii, waxaana xaruntan kamid noqotay xarumihii ay waxyeelada kasoo gaartay dagaalada sukeeye ayna deegaansadeen dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -