Allbanaadir.com
NEWS

Kenya oo dalkeeda ka mamnuuceysa 66-qof ay ku jiraan Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin caan ah

Waxaa sii xumaanaya xiriirka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, waxaana khilaafka labada wadan ka dhaxeeya uu maalinbo maalinta kasii dambeysa sii galaya xaalad adag.

Dowlada Kenya ayaa hada wada qorshe ay dalkeeda uga mamnuuceyso 66-qof ay ku jiraan Siyaasiyiin caan ah, Xubno katirsan dowlada Federaalka, saraakiil ciidan , ganacsato iyo dad kale oo ku heyb ah Madaxweyne Farmaajo.

Wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in uu helay xogta 66-qof oo Soomaali ah ay Kenya dalkeeda ka mamnuuceyso, waxaana dadkaasi ku jira wasiir ka tirsan xukuumada Soomaaliya, ra’iisul wasaare hore, xubin ka tirsan baarlamaanka, ku xigeenka madaxa sirdoonka ee Soomaaliya iyo milkiileyaasha shirkad isgaarsiineed.

Sida uu qoray Wargeyska The Standard dadka Kenya dalkeeda ka mamnuuceyso ayaa waxaa ku jira dad kasoo jeeda Qabiilka Madaxweyne Farmaajo, kuwaa oo heesta dhalashada dalka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa sii wada cadaadiska ay ku heyso dowlada Soomaaliya , waxa ayna Kenya dooneysaa in dowlada federaalka ka laabato kiiska dacwada badda ee Maxkamada caalamiga taala laguna xaliyo muranka qaab diblumaasiyadeed.

Kenya ayaa dalkeeda bishii hore kasoo celisay wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Baarlamanaka federaalka Soomaaliya, waxa ayna Kenya joojisay fiisihii ay garoonka Nairobi ka qaadan jireen Masuuliyiinta dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Kenyan ah oo Goob tirinta codadka ka socotay ku dilay Kaaliyaha Musharaxii la tartamayay

Cabdi Cade

Xaalad cusub oo ku soo korortay khilaafka ka taagan Masjidka Soomaalida ee Amsterdam

Caydiid Ali

(Akhriso) Dowlada Somalia oo beenisay daraasad ay soo saartay Jaamacad ku taalla Ireland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---