Ra’isul Wasaare Kheyre oo kusii jeeda Kismaayo iyo xog ku aadan Ujeedka Socdaalkiisa

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khere iyo xubno katirsan golihiisa Wasiirada ayaa maalmaha soo aadan ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Wafdi horu dhac ah u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Kismaayo, waxa ayna wafdigan sii agaasimayaan safarka la filayo Xasan Cali Kheyre uu Kismaayo ku tago maalmaha soo socda.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ay jiraan heshiis hoose ay gaareen maamulka Jubbaland iyo dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana heshiiska kaalin weyn ka qaatay Fahad Yaasiin oo ah ku simaha taliyaha Nabad sugida.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa marka uu tago magaalada Kismaayo la kulmi doona Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, waxa ayna labada dhinac kawada hadli doonaan sidii loo soo celin lahaa xiriirka maamulka iyo Dowlada federaalka.

Maamulka Jubbaland ayaa horey xiriirka ugu jaray dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe marar badan eedeymo culus hawada usoo mariyay madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya.

Safarka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ku tagayo magaalada Kismaayo ayaa lagu muujinayaa in uu is faham dhacay, waxa ayna arintan meesha ka saareysaa khilaafkii horey u jiray iyo cadaadiskii dowlada ku heysay maamulka Axmed Madoobe.

Doorashada Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa la filayaa in bilaha soo socda ka dhacdo magaalada Kismaayo, lamana oga in doorashada ay dowlada federaalka taageeri doonto Axmed Madoobe ama ay Musharax kale garab siin doonto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -