Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Xuska 1-da Augusto oo si ka duwan sidii hore loo xusay iyo Madaxweyne Deni oo baaq diray (Sawirro)

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qeybgalay Xafladda xuska munaasabadda 1-da August, sanad guuradii 24-aad ee Aasaaskii Puntland, taasi oo caawa dhawaale loogu ururiyey dadka Abaartu saameysay.

Madaxweynaha ayaa hadaljeedintiisa taariikhiga ah,  ku muujiyay muhiimada ay leedahay in la xuso maalintii aynu Aasaasanay nidaamkan Dowladnimo oo dadka reer Puntland ku faa’ideen, Soomaaliya oo dhana wax tar u noqday.

“Hambalyo, waxaan isugu hambalyeeynaynaa 1-da August , oo sanad guuradii 24-aad ee kasoo wareegatay markii Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed la dhisay, sidoo kale waxaan idinku hambalyeeynaya sanadka cusub ee Hijriyada ee Sabtidii dhashay.

”Munaasabadda qaabka aan u xusnay wuu ka duwanyahay sidii hore, oo waxaa aynu hambalyo kadib Lacag ugu ururineynaa gurmadka aynu u sameynayno dadkeenna Abaartu saameysay, waxaan ku baaqaya in la isu wada taago oo laga wada qeyb qaato gurmadka. ” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Wuxuu Madaxweynuhu Bulshada la wadaagay in dadka reer Puntland illaashadaan midnimada iyo Dowladnimada, isagoo ku baaqay in loo wada istaago oo laga wada qeyb qaato gurmadka Abaaraha oo Dowladdu hore ugu bilowday $1 Million, waxaana intaasi kadib munaasabadda oo ka duweyneyd Kuwii hore laga sameeyay lacag ururin loogu gurmadayo dadka Abaartu saameysay, Iyadoo qof walbo ka qeyb qaatay.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Ku-xigeennada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Qunsulka Dowladda Itoobiya ee Puntland, Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidamada, Guddiga Abaaraha ee Puntland, Culimaa’udiinka, Qurbojoog, Ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Related posts

Ciidamo Itoobiyaan ah oo laga sagootiyey Magaalada Kismaayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Doonyo hub & saanad Milateri ka dejiyey xeebta Hobyo & Xog ku aadan cida loo wado

Caydiid Ali

(Sawirro) Cali Guudlaawe iyo Max’uud Macalin Cabdulle oo labo arrin ka wada hadlay

Caydiid Ali