Shacabka Muqdisho oo niyad jabsan iyo Dowlada oo Mashquul kale ku jirta !!

Magaalada Muqdisho ayaa wehel u noqotay in ay ka dhacaan qaraxyo hal mar galaafta nolosha dad badan oon waxbo galabsan, waxa ayna qaraxyadan aan dhamaadka laheyn niyad jab ku abuureen shacabka ku dhaqan magaalada.

Shalay kaliya waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay labo qarax oo aad u xoogan, qaraxyadan waxaa ku dhintay dad ku dhaw 30-qof oo isugu jiray ciidamo katirsan dowlada iyo dad shacab ah.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa aad uga niyad jabsan qaraxyada ka dhacaya caasimada ee galaafanaya nolosha dad aan war u heyn waxa dhacaya sidoo kale aysan jirin cid ay dambi ka galeen.

Qaraxyada dhacaya ayaa ah kuwa aan kala aqoon shacab iyo dowlad, sidoo kale qaraxyada ayaa ah kuwa aan kala aqoon haween , caruur , dad da’ ah iyo meel dhaxaad, waxaana qaraxyada Muqdisho ka dhacaya ku dhinta dadka nuucyadooda kala duwan.

Dowlada Soomaaliya ayaa u muuqata mid ku fashilantay in ay wax ka qabato qaraxyada magaalada ka dhacaya, waxa ayna dowlada marar badab sheegtay in amaanka la adkeeyay magaaladana la dhigay ciidamo badan balse wali laguma guuleesan in qaraxyada la joojiyo.

Shacabka magaalada Muqdisgo qaarkood ayaaba cabsi owgeyd uga soo guuray faras magaalaha Muqdisho si ay uga fogaadaan goobaha ay inta badan ka dhacaan qaraxyada, waxa ayna dageen deegaano aysan inta badan qaraxyada ka dhicin oo Muqdisho katirsan.

Dowlada Soomaaliya ee looga fadhiyay ilaalinta shacabka ay maamusho ayaa ku mashquushay mooshino , siyaasado isdiidan iyo ololo ka socda maamul goboleedyada, halka howshii looga fadhiyay ee ugu horeesay amniga ay gabtay.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa markan quus ka taagan qaraxyada aafeeyeen dadka caasimada ku dhaqan, waxa ayna shacabka ugu baaqeen dowlada in la tilaamo hab lagu bad baadin karo nolosha shacabka ee maalin kasta sida sahlan lagu leynayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -