Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii ka dhacay Muqdisho iyo Al Shabaab oo ka hadashay

Waxaa barqadii maanta qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay meel ku dhaw Taalada Xaawo Taako oo kutaala agagaarka Tayaatarka Qaranka.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay afaafka hore maqaayad laga cunteeyo sidoo kale kuyaalaan xarumo kale oo ganacsi, waxaana gaariga qarxay la sheegay in la dhigay afaafka hore ee maqaayada laga cunteeyo.

Inta la xaqiijiyay labo qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxan, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dhoor qof oo kale kuwaa oo dhaawacyadooda loola cararay isbitaalo kuyaala magaalada Muqdisho.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa aheyd goob si weyn amaankeeda loo sugo ay kuyaalaan hoteel iyo goobo kale oo ganacsi, waxaa sidoo kale goobtaasi ka agdhaw koontaroolka laga ilaaliyo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada qaraxan ka dhacay agagaarka Xaawo Taako, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in ay weerareen khasaarana gaarsiiyeen ciidan ku sugnaa kuuntaroolka laga ilaaliyo Madaxtooyada.

””Mujaahidiinta ayaa qarax ku beegsaday mid kamida Koontaroollada madaxtooyada , waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray ciidamadii goobta ku sugnaa” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya xili maalmo kahor qarax kale oo dad badan ku dhinteen uu ka dhacay Laamiga Maka Al Mukarama, waxaana laamaha amaanka ku fashilmeen in ay kahor tagaan qaraxyada iyo dilalka qorsheesan ee ka dhaca Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -